Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka hadlay shirarka Higsiga 2016 [Dhagayso]

Image

17 November, 2015(GO)-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo shir jara'id ku qabtay magalada Garowe ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirarka ka socda Somalia ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhici doonta 2016.

Farole ayaa shirarkaasi ku sheegay kuwo laga leeyahay dano siyaasadeed oo dowladda Federaalku ka doonayso siday u samaysan lahayd nidaam mar kale talada dalka ugu soo laaban karto.

Madaxweynaha ayaa digniin ka bixiyey in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5 isagoo xusey inuu yahay nidaam qabali ah oo dadka Somalida ah kala qaybiyey.  

Waxa uu xusay inaysan war badan ka hayn dadka loo qabtay shirarka ee aragtida laga ururinayo, isagoo ugu baaqay inay ku dadaalan siday u qaadan lahaayeen habka degmooyinka lagu soo xulanayo xildhibanaada.  

"Shareecada Islaamka ka sokow dastuurka Jamuuhriyada federaalka ah waa sharciga dalka ugu sareeya, waana xeer qaran iyadoo qodobkiisa 32aad uu qorayo helida macluumaadka qofkasta xaq u leeyahay inuu helo maclumaadka ay cid-kale hayso oo looga baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq dow loo leeyahay."  ayuu yiri madaxweyne Farole isagoo ka hadlaya xuquuda dadka kulamadaan ka qayb galaya u leeyihiin in lala socodsiiyo xogta dadka siyaasiyiinta ka hayaan barnamaijkaan.

Waxa uu ka digay in dhacdo kala aragti kala duwanaan ku aadan arrimaha Somalia ka socda, maadama dalka ka jiraan maamullo mid kasta uu leeyahay dastuur u gooni ah.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay inuu ikir ahaan inuu qabo doorashada la qorsheynayo u dhacdo qaab lagu soo xulayo xildhibanaada degaan ahana iyadoo xulistooda laga qayb galinayo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo loo qaybanayo shirar baahsan.

Dhinaca kale madaxweynaha Somalia ayaa sheegey in Somalia noqotey mashruuc ay ku shaqeystaan dad Somaliyeed oo madax ah iyo dad ajnibi ah oo aaduunyada kharash siisey oo tiri wax qabta balse aan dooneyn iney wax qabtaan islamarkaana qorshahoodu yahay in xaalada hada lagu jiro aan laga bixin.

Hadalka Madaxweyne Farole ayaa imaanaya xilli qaybo badan oo dalka Somalia ka mid ah shalay 16 November, ka furmeen shirar lagu tilmaamay in looga hadlayo habka ay noqon doonto doorashada la qorsheeyay in dalka ka dhacdo sannadka dambe.

Magalada Garowe aya la filayaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo shirkan oo shalay fumay kaasi oo ka qayb galeen 100 qof oo laga soo xulay gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM