Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo u safrey Itoobiya

Image

December 14, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa dalka Itoobiya ayaa saaka ka dhoofay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Gaas oo warbaahinta la hadlay waxyar kahor intii uusan Garowe ka duulin, wuxuu si kooban uga warbixiyey ujeedada socdaalka uu Itoobiya ku tegeyo iyo weliba muddada uu qaadan doono.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xarunta Itoobiya ee Addis Ababa uu kulmo kula yeelanayo mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda Itoobiya iyo weliba diblumaasiyiin ka soca beesha caalamka.

Qodobada ugu muhiimsan ee madaxda Itoobiya iyo wafdiga Puntland ka wada hadli doonaan mar wax laga weydiiyey wuxuu sheegay inay kamid yihiin: xoojinta xiriirka labada dhan iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacayda ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarka.

Madaxweynaha Puntland ayaa safaro isdaba joog ah ku taga wadanka Ethiopia iyada oo wararku sheegayaan inuu halkaas kulamo kula qaato madaxda hay'da Africa Oil.

Booqashada Gaas ee Itoobiya oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah waa tii afraad ee uu halkaas ku tago laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey bishii January ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM