Madaxweyne Gaas: ma jirto cid ka hor timid heshiiskii PL iyo DFS

Image

October 24, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey PLTV.

Ugu horeyn wuxuu ka warbixiyey shirka maalgashiga Africa ee uu London kaga qayb galay isagoo sheegay in shirkaasi muhiimad weyn ugu fadhiyey Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland oo si khaas ah loogu casumay.

Heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Puntland:

Mar wax laga weydiiyey heshiiskii October 14 Garowe lagu saxiixay iyo  muran ka dhashay kala qaybinta gobolka Mudug wuxuu sheegay in dhammaan mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu sareeyaa heshiiskaas wada taageereen micne weynna sameyn doonin  haddii ay jiraan shaqsiyaad xilal hoose ka haya Dowlada Federaalka oo heshiiskaas kahor yimid.

Kala qaybinta gobolka Mudug isagoo ka hadlayeyna wuxuu tilmaamay in dadka u ololeynaya in dhammaan gobolka Mudug kamid noqdo maamulka gobollada dhexe (Koonfurta Mudug iyo Galguduud) ee kasoo horjeestey heshiiskii Garowe yihiin kuwo dulmi ku socda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: "heshiiskaasi waxa weeye heshiis Dowladdu taageertay qaybteeda fulinta ee Madaxweynuhu ugu sareeyo iyo qaybteeda sharci-dejinta labadaba. Yaa diidan weeye? Waxaa diidan cidii markii horeba dulmiga wadey" 

Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe (Koonfurta Mudug iyo Galguduud):

Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland taageerayso in gobollada dhexe maamul yeeshaan maadaama nidaam iyo kala dambeyn ka dhalata gobolladaasi faa'iido u tahay Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Puntland marnaba ogolaan doonin dhismaha in maamulkaasi caqabad ku noqdo jiritaankeeda arintaasoo sida uu tilmaamay ah mid aan sinaba ku suurogeli karin.

" waan taageeraynaa dhismaha maamulka gobolada dhexe dan baana noogu jirta maadaama kala dambeyn la'aanta ka jirta gobolladaasi mar kasta saamyn ku yeelato Puntland...laakiin ma ogolaanayno in dhismaha maamulkaasi anaga jiritaankeena caqabad ku noqdo" ayuu yiri.

Khilaafka Puntland iyo Galmudug:

Isagoo ka jawaabayey su'aal la weydiiy oo ahayd "maxaa iska bedeley khilaafka ka dhexeeya Puntland iyo Galmudug?" Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in khilaafkaasi markii horeba ku bilowday daan daansi ka yimid maamulka Galmudug.

Si gaar ah wuxuu u dhaleeceeyey Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid isagoo xusay inuu u dhaqmay si qayru mas'uul nimo ah iskuna dayey inuu iska horkeeno bulshada gobolka oo ah dad is jecel, walaalo ah dantooduna ku jirto inay nabad iyo deris wanaag ku wada noolaadaan.

Heshiiskii Garowe [October 14] iyo rajada laga qabo inuu dhaqan galo:

Iyadoo laga war qabo in heshiisyo badan oo horay Dowlada Federaalka iyo Punltand u wada galeen ay socon waayeen, Cadiweli Gaas rajo fiican buu ka muujiyey in heshiiskan cusubi dhaqan galo.

Rajada uu qabo wuxuu ku saleeyey muhiimadda heshiiskaasi ugu fadhiyo Dowladda Federaalka, Puntland iyo weliba umadda Soomaaliyeed oo dhan maadaama in ka badan kala bar qodobada heshiisku yihiin kuwo ka turjumaya danta guud.

Qodobka kale ee muhiimka uu ku tilmaamay ayaa ah gudiga isku dhafka ah ee loo saaray daba galka heshiiska si loo qiimeeyo in qodobadii lagu heshiiyey sidii la rabay u dhaqan galeen iyo in kale islamarkaana labada dhinac cadaadis loogu saaro inay fuliyaan.

Dagaalka Puntland kula jirto Al-shabab:

Dagaalka Puntland kula jirto Al-shabab wuxuu Madaxweyne Gaas sheegay inuu meel fiican marayo maadaama dhowaan ciidamada Puntland la wareegeen fariisimihii ugu waaweynaa Ururka Al-shabab ee buuraleyda Galgala.

Tiro kamid ah xubnihii ugu muhiimsanaa Al-shabab ayuu xusay in la diley taasoo dhabar jab ku ah kooxda islamarkaana horseedi doonta in si buuxda loosoo afjaro.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in dowladdu qorsheynayso sidii dib ugu soo celin lahayd dadkii beeraleyda u badanaa ee horay uga barakacay deegaanka Galgala, isagoo intaas raaciyey in ciidamada ammaanku sii joogi doonaan Galgala iyo deegaanada ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Deni oo booqdey dhaawacyada weerarkii la fashiliyay ee ISIL

Madaxwaynaha ayaa boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

  • Puntland

    31-12-2024

  • 03:43PM

Ciidamada Puntland oo fashiliyey weerar uga yimid kooxda ISIL

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dhowr askari dhaawacyo fudud soo gaareen intii lagu jiray iska caabinta weerarka.

  • Puntland

    31-12-2024

  • 08:27AM