Madaxweyne Gaas oo booqasho ku tegey deegaanka Karin

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

December 5, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho ku tegey deegaanka Karin oo qiyaastii 30km dhanka koonfurta magaalada Bosaso kaga beegan.

Booqashada Gaas ee Karin ayaa timid kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay bulshada deegaanka oo  iyagu todobaadkii hore Madaxweynaha ka codsaday inuu soo booqdo.

Si diirran ayaa wafdigaas oo ay ku jireen xubno ka tisan golaha wasiirrada, xildhibaano iyo saraakiil ciidamada ah halkaas loogu soo dhoweeyey, waxaana intaas kadib qado-sharaf loogu sameeyey geed Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Soomaaliya AHN Cabdulaahi Yuusuf Axmed u bixiyey magaca (Canjeel Talo Helay).

Geedka waxaa 11 sano kahor xiligaasoo ku beeganaa markii heshiiska laga gaarey murankii ka dhashay madaxtinimada Puntland lagu casumay wufuud ay kala hogaaminayeen Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamuud Muuse Xirsi Cadde.

Isimada, waxgaradka, iyo aqoonyahanka beesha Karin ayaa Cabdiweli Gaas ka codsaday inuu degmo usoo magacaabo Karin oo iyadu ah tuulo dadka ku nooli beeraley u badan yihiin islamarkaana taariikh ahaan la fac ah magaalaa Bosaso.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey codsigaas wuxuu sheegay in dowladdu tixgelineyso codsiga bulshada deegaanka Karin soo gudbisatey, haseyeeshee si degmo loogu magacaabo ay lagama maarmaan tahay in la helo waxyaabo badan oo la'aantood aan degmo loo aqoonsan karin.

Shalay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu dhagax dhigay dhismaha Runway-ga garoonka diyaaradaha Bender Qaasim ee magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM