Madaxweyne Gaas oo booqday xerada ciidamada PMPF ee Bosaso

Image
Image
Image

December 1, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan magaalada Bosaso ayaa maanta booqday xerada ciidamada badda Puntland ee Bosaso.

Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabdirisaaq Faarax Qare iyo Agaasmihaa Guud ee Ciidanka Badda  Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakil sare oo katirsan ciidanka ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey.

Intaas kadib Gaas ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland.

Muddadii uu ku sugnaa gudaha xarunta waxa uu kulamo kula qaatay mas'uuliyiinta ugu sarreeya ciidanka Badda Puntland ee PMPF ,waxana kamid ahaa masuuliyiintaas madaxa mashaariicd ee PMPF Mr.Xuseen iyo saraakil kale.

Waa markii saddexaad ee Cabdiweli Gaas tan iyo markii la doortay uu booqdo xerada ciidamada badda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM