Madaxweyne Gaas "Wax lagu hishiiyay majirto" [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

18 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhaweyd ka soo tagay garoonka diyaaradaha magalada Galkacyo, isagoo ka soo laabtay shirki wadatashiga doorashada 2016 ee Muqdishu ka socday.

Xubno katirsan mas'uuliyiinta dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada Galkacyo ayaa ku soo dhaweeyay Cabdullaahi Yusuf Airport, isagoo kula hadlay bahda warfidiyeenka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Muqdishu uga qayb galeen labo shir midkood ku saabsanaa Barnaamijka hiigsiga cusub "New deal", halka kan kale looga hadlayay doorashada waddanka ka dhici doona 2016.

Waxuu sheegay in Somalia soo martay marxalado kala duwan, balse haatan tahay dowlad  jirta oo la aqoonsanyahay, sidaa darteed lagu sii jiri karin qaab uu ugu yeeray matalaad.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay warmurtiyeedkii 16 bishan laga soo saaray shirka Xamar ayaa sheegay inuusan ahayn hishiis balse lagu cadaynyay arrimaha laga wadhadlay, wuxuuna si cad u sheegay inuusan hishiis la gaaray.

Nidaamka 4.5 ayuu soo hadal qaaday iyo aragti aruurintii laga sameeyay 6 magaalo oo Puntland ku taalla, wuxuuna tilmaamay inay ka go'antahay ka gudbidda habka wax ku qaybsiga beelaha, islamarkaana dadaal u gali doonaan qaabkii looga baaqsan lahaa Xildhibaanada 2016 inaan nidaamkaas lagu soo xulin.

Xaaladda magalada Galkacyo ayaa Madaxweyne Gaas ka hadlay, wuxuuna xusay inuu ku farsanyahay soo laabashadiisa oo ku soo beegantay magalada oo amni ah, isagoo shacabka ugu baaqay inay adkeeystaan nabadgalyadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM