Madaxweynaha Puntland oo degmada Qardho soo gaarey

Image

November 26, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Si diirran ayaa wafdigaas Qardho loogu soo dhoweeyey halkaasoo ay maanta sii joogayaaan beri subaxna dhanka Bosaso uga sii gudbi doonaan.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee Bosaso waxay salka ku haysaa dhowr arimood waxaana ugu muhiimsan: u-kuur-gelidda xaaladda ciidamada ku sugan jidda Galgala iyo muran ka taagan dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Cabasho xoogan ayaa bilihii u dambeeyey kasoo yeereysey ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada daraawiishta ee ku sugan buuraleyda Galgala oo ka cabanaya in muddo bilo ah aan wax mushaharaad ah la siinin.

Dhanka kale Gaas ayaa xal u raadin doona muran ka dhashay qandaraasyada loojistikada ee ay bixineyso shirkadda dhiseysa garoonka Bosaso (CCECC), qandaraasyadaas oo kala ah: keenista dhagaxa la saarayo dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, biyaha iyo cuntada waxaa isku haysta dhowr shirkadood oo yar yar kuwaasoo qaarkood horay dowladu ogolaansho u siisay.

Ila wareedyo ka agdhow madaxtooyada  ayaa GO u sheegay in Madaxweynaha Puntland usoo dacwoodeen maamulka shirkadda (CCECC), kuwaasoo ka dalbaday in Dowladdu arinta soo farageliso si mashruuca dhismaha garoonka si dhaqso ah loogu bilaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM