Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay shaqaaqadii Buuhoodle

Image

23 December, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdikiim Cabdullaahi Cumar Camay ayaa ka hadlay xiisad dagaal dhawaan ka dhacday deegaano ku dhow degmada Buuhoodle gobolka Cayn, wuxuuna sheegay arrintaasi inay la xiriirtay xuduudda Puntland iyo Ethopia.

Camay ayaa xaaladdaasi ka hadlay xilli maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna sidoo kale ka waramay safarkiisa degmadaas.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in isaga wafdigiisa xarunta gobolka Cayn u tageen arrimo la xiriira tacsi kadib dhimashadii Hooyadii.

Waxaa uu tilmaamay inay gacan ka gaysteen qaboojinta dagaalka isaga iyo qunsulka Ethopia u fadhiya Puntland kaaso tagay magalada Buuhoodle, wuxuuna xusay in xaaladdu meel wanaagsan marayso.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay deegaamo yar yar oo hoos yimaada xarunta gobolka Cayn, waxaana waqtigaas degmada ku sugnaa Eng: Camay iyo wafdigiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM