Magaalada Bosaso oo maanta si weyn looga ciiday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 4, 2014 (GO)- Iyadoo maanta oo ku beegan 10-ka bisha Dul-xijjah muslimiinta caalamaka daafihiisa ku noolina u dabbaal degayaan munaasabadda Ciidul Adxa, ayaa waxaa si weyn looga ciiday guud ahaan deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, wasiirro iyo saraakiisha ciidamada ammaanka qaar kamid ah ayaa salaadii ciidka boqollaal dadweyne ah kula tukaday garoonka kubadda cagta.

Goobta waxaa laga jeediyey khudbado u badnaa baraarujin iyo in lays xasuusiyey Alle-ka-cabsiga, waxaa sidoo kale dhammaan dadkii goobta ka hadlay ku celceliyeen nabadgelyada iyo sida ay muhiim u tahay in loo xoojiyo.

Dhanka kale ammaanka magaalada Bosaso ayaa maanta si aad ah loo adkeeyey, waxaana dhammaan jidadka muhiimka ah ku sugnaa ciidamada booliska oo baarayey dadka iyo gaadiidka.

Inkastoo cimilada Boosaaso weli kulushahay, waxay hadana saaka magaaladu ku waabariisatay jewi aad u deggen cirkuna daruuro badan lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM