Magaalada Bosaso oo maanta si weyn looga ciiday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 4, 2014 (GO)- Iyadoo maanta oo ku beegan 10-ka bisha Dul-xijjah muslimiinta caalamaka daafihiisa ku noolina u dabbaal degayaan munaasabadda Ciidul Adxa, ayaa waxaa si weyn looga ciiday guud ahaan deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, wasiirro iyo saraakiisha ciidamada ammaanka qaar kamid ah ayaa salaadii ciidka boqollaal dadweyne ah kula tukaday garoonka kubadda cagta.

Goobta waxaa laga jeediyey khudbado u badnaa baraarujin iyo in lays xasuusiyey Alle-ka-cabsiga, waxaa sidoo kale dhammaan dadkii goobta ka hadlay ku celceliyeen nabadgelyada iyo sida ay muhiim u tahay in loo xoojiyo.

Dhanka kale ammaanka magaalada Bosaso ayaa maanta si aad ah loo adkeeyey, waxaana dhammaan jidadka muhiimka ah ku sugnaa ciidamada booliska oo baarayey dadka iyo gaadiidka.

Inkastoo cimilada Boosaaso weli kulushahay, waxay hadana saaka magaaladu ku waabariisatay jewi aad u deggen cirkuna daruuro badan lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM