Mamulka Jariiban oo ka cabanaya doonyo jariif ah

Image

Garowe, October 7,2014 [GO]- Mamulka degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ayaa walaac ka muujiyay doonyo si xoogan u guranaya khayraadka xeebta garacad.

Duqa Jariiban Cabdilaahi Cali Yusuf oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin doonyo faro badan oo jariif ku haya xeebta Garacad, taasoo uu sheegay inay saamayn ku yeelatay muraq-maalka xeebtaasi handadaad kala kulmaya doonyahaasi.

Ilaa afartan doonyood ayuu Cabdilaahi Cali sheegay in lagu arkay deegaanka xeebta leh ee Garacad isla markasna mamulka Gobalka iyo wasaradaha ku shuqulka leh uu ku wargaliyay si tilaabo looga qaado.

Wasaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa horay usoo saartay go'aan kallumaysatadda looga joojinayo inay jilaabtaan aargoosatada oo lagu jiro waqtigii ay dhali jirtay balse walaaca kooxaha badda ka xamaashaa kasoo baxaya ayaa sii kordhaya.

Duqa Jariiban waxa uu codsaday in tilaabo deg deg ah laga qaado doonyaha jariibka ba'an ku haya xeebta Garacad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM