Maraakiibta jiriifka oo fara kulul ku haya xeebaha Baargaal

Image

October 10, 2014 (GO)- Waxaa marba marka ka dambeysa isa soo taraya cabashooyinka ka imaanaya kalluumaysatada Puntland ee ku aaddan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darada ah badda uga kaluumaysta.

Degmada Baargaal ee xarunta gobolka Gardafuu ayaa kamid ah meelaha maraakiibta jiriifku faraha kulul ku hayaan sida uu xaqiijiyey  Maxamed Siciid Cali oo ah taliyaha qaybta booliska gobolka Gardafuu.

Taliyaha oo isaga iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka gobolkaas  ka tirsani shalay Baargaal tageen, ayaa sheegay in maraakiib iyo doomo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen xeebaha Baargaal jiriif baahsan ka wadaan.

Qalabka kalluumiysiga ayuu sheegay inay ka burburiyaan kaluumaysatada, sidoo kale ilaalo hubeysan oo maraakiibtaas saaran ayuu taliyuhu xusay kalluumaysatada inay u diidaan dhanka badweyta.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Gardafuu wuxuu intaas ku daray in ilaalinta xeebaha Puntland tahay shaqo ka baxsan tan booliska, degmadaasna ay fariisin ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland, ciidankaas oo ilaa iyo hadda aan arintan wax tallaabo ah ka qaadin.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay dowladda gaar ahaan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda inay qorshe cad ka yeelato la dagaalanka maraakiibta iyo doomaha badda sida sharci darrada ah ugu jira, kuwaasoo dhib weyn ku haya noolaha badda iyo kalluumaystada deegaanka oo noloshoodu wax soo saarka badda toos ugu xiran tahay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar sii horeysey sheegay in dowladdiisu la dagaalami doonto kalluumaysiga sharci darada ah isagoo ku tilmaamay inuu yahay masiibo qaran, haseyeeshe ma muuqato wax talaabo ah oo ilaa iyo hadda dowladdu qaaday si taas wax looga qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM