Maraykanka oo soo dhoweeyey heshiiskii DFS iyo PL

Image

October 16, 2014- Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysey heshiiskii labo maalmood kahor Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalada Garowe.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in wakiilka USA u jooga Soomaaliya James P. McAnulty si diiran usoo dhoweeyey heshiiskii October 14 lagu saxiixay Garowe.

James P. McAnulty ayaa ku tilmaamay 12-ka qodob ee heshiiskaasi ka koobnaa kuwo bud-dhig u noqon doona dhismaha qaranka Soomaaliyeed isagoo dhanka kale u mahadceliyey cid kastoo gacan ka geystay in heshiiskaas la gaaro. Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyey Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo IGAD.

"Anagu [Maraykanka] waxan soo dhoweyneynaa in labada dhinac wada-shaqeyntooda xoojiyeen si taas loogaga faa'iideysto hanaanka lagu dhisayo qaranka horayna loo socda bilaha soo socda si dib u habeyn iyo dhameystir loogu sameeyo dastuurka loona damaanad qaado in doorashado dhacdo sanadka 2016" qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanak kasoo baay ayaa sidaas lagu yiri.

Ugu dambeyntii waxay Dowlada Maraykanku sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowlada Federaalka iyo Puntland si loo horumariyo xasiloonida iyo dhismaha dowladnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM