Mareykanka oo ka hadlay Duqeyn ka dhacday Puntland

Image

NAIROBI, Kenya - Taliska Ciidamada Mareykanka Qaarada Africa ee AFRICOM ayaa war kasoo saarey Duqeymo ka dhacay gobolka Bari, taasi oo lala eegtay hogaamiyaal katirsan Ururka Daacish.

Duqeymaha oo labo ahaa mida hore waxay dhacday xalay saqdii dhexe, halka mida labaad isna ay ka dhacday saacadu markay ahayd 11:00 A.M. maanta oo jimco ahayd, waxaana weerarada ka dhaceen duleedka Qandala.

AFRICOM ayaa ku sheegtay War Saxaafadeed ay soo saartay in tiro dagaalyahano ah ay ku dhinteen duqeymaha cirka oo ay fulisay Diyaarada nooca aan duuliyaha lahayn (Drone) kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Buqa, oo 60Km u jira magaalo xeebeedka Qandala.

Warsidaha Garowe Online ayaa warkan AFRICOM kahor soo qoray saaka in duqeyn labo jeer kala dhacday lala eegtay shir ay hogaamiyaal katirsan Daacish ku lahaayeen deegaanka buuralayda Buqa. Halkan ka akhri.

Mareykanka wuxuu sheegay in dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan siiyay fulinta weerarka uu ku qaadey Militarigiisa Kooxda xiriirka la leh Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Laakiin dowladda Federaalka ee Muqdisho fadhida wali kama hadlin duqeyntan, oo noqonaysa midkii ugu horeysay oo Mareykanka ku qaado Daacish-ta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa dabaalka ka qaadey inay sii wadi doonaan weerarada noocan ah ee Kooxaha argagaxisada Soomaaliya kula dagaalamayaan, si loo difaaca Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Geeska Africa.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump ansixiyay weerarada Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkan 2017-ka, ciidamada howlgalka AFRICOM ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo kuwa ku xiran Daacish ee ku sugan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM