Mareykanka oo ka hadlay Duqeyn ka dhacday Puntland

Image

NAIROBI, Kenya - Taliska Ciidamada Mareykanka Qaarada Africa ee AFRICOM ayaa war kasoo saarey Duqeymo ka dhacay gobolka Bari, taasi oo lala eegtay hogaamiyaal katirsan Ururka Daacish.

Duqeymaha oo labo ahaa mida hore waxay dhacday xalay saqdii dhexe, halka mida labaad isna ay ka dhacday saacadu markay ahayd 11:00 A.M. maanta oo jimco ahayd, waxaana weerarada ka dhaceen duleedka Qandala.

AFRICOM ayaa ku sheegtay War Saxaafadeed ay soo saartay in tiro dagaalyahano ah ay ku dhinteen duqeymaha cirka oo ay fulisay Diyaarada nooca aan duuliyaha lahayn (Drone) kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Buqa, oo 60Km u jira magaalo xeebeedka Qandala.

Warsidaha Garowe Online ayaa warkan AFRICOM kahor soo qoray saaka in duqeyn labo jeer kala dhacday lala eegtay shir ay hogaamiyaal katirsan Daacish ku lahaayeen deegaanka buuralayda Buqa. Halkan ka akhri.

Mareykanka wuxuu sheegay in dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan siiyay fulinta weerarka uu ku qaadey Militarigiisa Kooxda xiriirka la leh Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Laakiin dowladda Federaalka ee Muqdisho fadhida wali kama hadlin duqeyntan, oo noqonaysa midkii ugu horeysay oo Mareykanka ku qaado Daacish-ta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa dabaalka ka qaadey inay sii wadi doonaan weerarada noocan ah ee Kooxaha argagaxisada Soomaaliya kula dagaalamayaan, si loo difaaca Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Geeska Africa.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump ansixiyay weerarada Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkan 2017-ka, ciidamada howlgalka AFRICOM ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo kuwa ku xiran Daacish ee ku sugan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM