Mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland oo lagu xiray gobolka Sanaag

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Ciidamo taabacsan Puntland, ayaa maanta ka kaxaysta tuulada Yubbe oo 50-km bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Dadka la kaxaystay, waxay deegaanka u yimaadeen wacyigalin ku saabsan doorashada maamulka Somaliland.

Guddoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo iyo shan kale oo laba yihiin darawallada laba gaari ee ay wateen madaxdaasi ayaa la sheegay in loo kaxaystay degmada Badhan ee isla gobolkaasi.

Gudoomiyaha Sanaag ugu magacaaban Somaliland Axmed Cabdi Fly ayaa BBC-da u sheegay mas'uuliyiintaasi lageeyay magalada Baran ee isla gobolkaasi.

Xildhibaan Qamar Taleex ayaa xoriyadeeda dib u heshay, waxayna laanta Afka Somaliga ee BBC-da u sheegtay in odoyaasha deegaanku wadaan sidii loo soo dayn lahaa mas'uuliyiinta ka xiran.

Arrintan ayaa loo malaynayaa inay xiriir la leedahay muranka dhanka deegaanka ee u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Somaliland.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM