Mashruuca dhismaha garoonka Bosaso oo si rasmi maanta loo furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

December 4, 2014 (GO)- Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray mashruuca lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Bender Qasim ee magaalada Bosaso.

Xafladda furitaanka waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland, safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, saraakiil ka socda UNOPS, isimo iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Gaas oo isagu si rasmi ah mashruuca u daah furay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah kuna weyn dadka Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland oo muddo dheer sugayey.

Gaas ayaa dhanka kale u mahadceliyey Dowladda Talyaaniga oo iyadu bixisay inta badan dhaqaalaha ku baxaya mashruucan iyo Qaramada Midoobay oo fulineysa, isagoo ku booriyey bulshada reer Puntland inay isku duubnaadaan islamarkaana ogaadaan in haddii gacamaha is qabsadaan ay wax badan qabsan karaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Dowladda Talyaaniga, mas'uuliyiin ka socdey hay'adda UNPOS iyo qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka gobolka Bari, iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin muddo dheer kadib maanta in la bilaabayo mashruuca.

Mashruuca lagu balaarinayo garoonka Bosaso waxaa soo bilowday dowladdii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Farole hogaaminayey, taasoo dadaal badan u gashay sidii Puntland u heli lahayd garoon caalami ah awoodna uleh in diyaaradaha waaweyni kusoo degi karaan.

Bender Qasim Airport wuxuu haddii dhismihiisa lagu guuleysto noqon doonaa garoonka ugu casrisan uguna ballaaran guud ahaan gegooyinka diyaaradaha ee ka jira Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM