Gen. Muxiyadiin "Waa Riyo in la igu dhaawacay Dagaalkii Tukaraq"

Image

GAAROWE, Puntland - Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse oo ah Taliyaha la dagaalanka Argigixisada ee dowladda Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa gaashaanka ku dhuftay warar leysla dhex-marayey oo ahaa inuu ku dhaawacmay dagaalka Tukaraq.

Wuxuu sheegay in warka ku saabsan inay wax-yeelo kasoo gaartay dagaalka uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana uu soo abaabulay maamulka Hargeysa, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Aniga waan nabad-qabaa gurigeyga ayaan joogaa wax dhibaato ah ma qabo. Warka sheegaya inaan ku dhaawacmay dagaalka Tukaraq waa mid aan waxba ka jirin oo uu ku riyoonayo maamulka Hargeysa iyo Muuse Biixi,” ayuu yiri Jenereelka.

“Dagaalka Tukaraq iyaga ayaan ku jabinay waxaana geesiyaasha Puntland mar walba heegan ugu jiraan inay difaacaan dhulkooda waana sii wadeynaa,” ayuu hadalkiisa kusii darey Taliyaha, isagoo raaciyey: “Shacabka ha taageeraan Ciidamadooda.

Dhanka kale, Taliyaha oo ka hadlay xiisada Laas-canood, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay halkaasi ka wado caburin iyo xarig aan sharci ah oo ciidamadeeda shacabka uu geysanayaan, taasina ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

“Shacabka Laas-canood waxaan u sheegayaa inay iska dhiciyaan kuwa wax magaratada ah ee dhibaateynaya, ciidamada geesiyaasha Puntland, way idin imaan doonan,” ayuu yiri Jeneraal Muxudiin.

Shalay ayey ahayd markii Banaan-baxyo rabshado watay, kaasoo looga soo horjeeday Somaliland uu ka dhacay magaalada Laas-caad, kaasi oo ay ku dhaawacmen 8 qof oo isugu jira caruur iyo Dumar, halka tiro kelana la xiray. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM