Gen. Muxiyadiin "Waa Riyo in la igu dhaawacay Dagaalkii Tukaraq"

Image

GAAROWE, Puntland - Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse oo ah Taliyaha la dagaalanka Argigixisada ee dowladda Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa gaashaanka ku dhuftay warar leysla dhex-marayey oo ahaa inuu ku dhaawacmay dagaalka Tukaraq.

Wuxuu sheegay in warka ku saabsan inay wax-yeelo kasoo gaartay dagaalka uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana uu soo abaabulay maamulka Hargeysa, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Aniga waan nabad-qabaa gurigeyga ayaan joogaa wax dhibaato ah ma qabo. Warka sheegaya inaan ku dhaawacmay dagaalka Tukaraq waa mid aan waxba ka jirin oo uu ku riyoonayo maamulka Hargeysa iyo Muuse Biixi,” ayuu yiri Jenereelka.

“Dagaalka Tukaraq iyaga ayaan ku jabinay waxaana geesiyaasha Puntland mar walba heegan ugu jiraan inay difaacaan dhulkooda waana sii wadeynaa,” ayuu hadalkiisa kusii darey Taliyaha, isagoo raaciyey: “Shacabka ha taageeraan Ciidamadooda.

Dhanka kale, Taliyaha oo ka hadlay xiisada Laas-canood, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay halkaasi ka wado caburin iyo xarig aan sharci ah oo ciidamadeeda shacabka uu geysanayaan, taasina ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

“Shacabka Laas-canood waxaan u sheegayaa inay iska dhiciyaan kuwa wax magaratada ah ee dhibaateynaya, ciidamada geesiyaasha Puntland, way idin imaan doonan,” ayuu yiri Jeneraal Muxudiin.

Shalay ayey ahayd markii Banaan-baxyo rabshado watay, kaasoo looga soo horjeeday Somaliland uu ka dhacay magaalada Laas-caad, kaasi oo ay ku dhaawacmen 8 qof oo isugu jira caruur iyo Dumar, halka tiro kelana la xiray. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM