Puntland iyo Sacuudiga oo ka shiray dhoofka xoolaha ee maalgashiga

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo safiirka Sacuudiga u fadhiya Nairobi ayaa maanta oo Talaado ah ku kulmay magaala madaxda Kenya.

Danjire Mohamed Abdulghani Khayaad ayaa lagu waramayaa in uu farxad ka muujiyey kulanka uu la yeeshay Deni.

Madaxtooyadda Puntland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa fahfaahin ka bixisay ajendaha iyo qodobadda looga hadlay shirka.

Warka qoraalka ah ayaa lagu shaaciyey in mas'uuliyiinta ay kawada xaajoodeen xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga.

Si gaar ah waxaa la tilmaamay in ay isla soo qaadeen sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudi Carabiya.

Intaas waxaa wehlisa in ay kawada hadleen iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay.

Arrimaha maalgeshiga ayaa qayb ka ah qodobadda lagu lafaguray kulanka, gaar ahaan maalgelin uu Sacuudiga ku sameeyo guud ahaan Soomaaliya si gaar ah Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay waddanka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM