Maxkamadda Nugaal oo xukuntay nin haweenka kufsan jiray

Image
Image

Talaado, September 30,2014 [GO]- Wasaradda Haweenka iyo hormarinta qoyska Puntland ayaa qabatay kulan lagu soo dhoweynayey xukun ay shalay ridey Maxkamadda derejada koowaad ee Gobalka Nugaal.

Xukunka oo ahaa Labaatan sano oo xarig ah waxaa lagu ridey nin kufsaday haween badan islamarkaana caan ku ahaa tacadiyada ka dhanka ah dumarka kaasoo ay bulshadu u bixiyeen Jiite.

Ninka oo laga soo qabtay degmada Eyl ee gobolka Nugaal wuxuu falkii ugu dambeeyey ee kufsi ah kula kacay gabar uu kasoo qashaafay deegaan ka tirsan gobolka Sool.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin oo shir jaraa'id ku qabatay xafiiskeeda Garowe ayaa sheegtay inay muhiim tahay in cadaalada la hor keeno dadka gabood falka iyo tacadiga ku haya haweenka.

Waxay soo dhawaysay xukunka lagu riday ninkan oo dambiyo kala duwan lagu helay taasoo ay ka mid tahay jirdil iyo kufsi dhowr ah  iyadoo xustay inay ka go'an tahay sidii wax looga qaban lahaa tacadiga haweenka lagu hayo.

Haweenka ayay ku dhiirigalisay "Aniso Xaaji"  inay u istaagaan sidii xaquuqdooda loogu soo dhicin lahaa dhibanayaasha isla markasna cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ku kacaya falalka liddiga ku ah dumarka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM