Maxkamadda sare Puntland oo go'aan ka gaartay dacwadda golaha deegaanka Bosaso

Image

25 November, 2015(GO)-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta go'aan ka soo saartay dacwadda la xiriirta dhismaha golaha deegaanka degmada Bosaso oo waxgarad iyo murashax u taagnaa jagada duqa, ka soo gudbiyeen eedaymo ka dhan ah qaabka lagu soo xulay xildhibaanada.

Arrintaasi ayaa keentay inay gaarto maxkamadda sare ee Puntland waxaana laba jeer oo hore loo fariistay kiiskaasi, waxaana markii ugu dambaysay maxkamaddu go'aamisay inay go'aan ka gaari doonto waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Qoraal maanta soo baxay ayaa maxkamadu ku shaacisay inay go'aan ka gaartay dacwadda, waxayna soo bandhigtay saddexdan qodob oo hoos ku xusan.

1. Waxay ka saartay oo wax kama jiraan ka dhigtay xumnaha saa'idka ku ah 27-ka xubnood oo sharciga ah ee golaha deegaanka degmada Bosaso

2.Waxay ka saartay xuminimadii golaha deegaanka Cilmi Cumar Cilmi oo shaqaale ka ah wasaaradda maaliyadda Puntland

3. Waxay tuurtay Cabashooyin kale oo ay keeneen dhinaca cabanaya

Go'aanka maxkamadda ka dib, waxaa saxaafadda la hadlay Cumar Sadiiq oo u sharaxnaa gudoomiyaha golaha deegaanka Bosaso, balse isu casilay musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyay soo xulista xildhibaanada, ayaa sheegay inaysan maxkamaddu go'aamin waxybaaha ay filayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM