Nin horay u diley sarkaal ka tirsanaa booliska oo Bosaso lagu qisaasay

Image
Image
Image
Image

October 20, 2014 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa maanta lagu qisaasay nin horay u diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ee gobolka Karkaar.

Ninka xukunka qisaasta ah lagu fuliyey oo 58jir ahaa laguna magacaabi jirey Maxamed Warsame Saxar wuxuu June 18, 2014 degmada Rako ku diley Dhamme Cabdulaahi Faarax Gaacshe oo ahaa taliyihii booliska ee degmadaas. 

August 27, 2014 ayaa eedeysane Maxamed Cabdulaahi Saxar la hor keenay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan, waxana qiraal uu sameeyey kadib lagu xukumay xukun dil ah.

Goobta qisaastu ka dhacday oo ahayd xabaalaha ku yaalla bariga magaalada Bosaso waxaa ku sugnaa ehelada dhibanaha iyo eedeysanaha labadaba; iyo mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen: Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari, taliye-ku-xigeenka qaybta booliska Bari,  iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada.

Eedaysane Saxar oo kahor intaan la toogan si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dembiga uu galay laga gudo, isagoo dhanka kale cafis weydiistey ehelada marxuumka uguna baaqay bulshada in dembiyada caynkan oo kale ah layska ilaaliyo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada iyo Dembiyada Culus Cabdifataax Xaaji Aadan oo iyaguna si kooban u hadlay ayaa soo dhoweeyey xukunka iyagoo sheegay in aduun iyo aakhiraba maslaxad weyni ku jirto in qofkii qof dila isagana loo dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM