Odoyaasha gobolka Nugal oo diiday 4.5 [Dhagayso]

Image

16 December, 2015(GO)-Odoyaasha gobolka Nugal ayaa maanta isugu yimi kulan looga hadlay xaaladda Somalia iyo hiigsiga 2016 kaaso shir ku saabsan madaxda Somalida uga socday magalada Muqdishu.

Waxgaradka ayaa tilmaamay inaysan doonayn ku laabashada habka qabaliga ah ee 4.5, waxayna madaxda Somaliyeed u soo jeediyeen nidaamkaasi inuu Somali burbur iyo dib u dhac u soo jeedayo. Waxay taageereen aragti uruurintii laga sameeyay deegaanada Puntland.

Soo xulista Xildhibaanada imaan doona ayaa waxgaradku sheegeen in lagu saleeyo habka deegaanka, taaso ku macneeyeen inay tahay maslaxadda shacbiga Somaliyeed. Dadka ku dhagan qaadashada nidaamka laga soo gudbay ayay ku tilmaameen kuwa leh dano shakhsiyadeed iyo kulaabashada KMG-nimo.

Beesha caalamka ayay Odoyaashu ugu baaqeen inay ka digtoonaado u hogaansanka nidaamka 4.5, maada goob joog ka ahayd shirarkii ka dhacay Puntland ee looga gudbay habkaasi.

Kulanka waxgaradka ayaa ku soo beegmaya xilli uu fashil ku soo dhammaaday shir madaxda Somalida uga socday magalada Muqdishu, waxaana qaybo ka mid ah magalooyinka waaweyn ee Puntland lagu arkayay baabur lagu soo xardhay "Qaadanmayno 4.5".

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM