Bakistaan "Deparani maaha saxaafadda wax duminaysay ee waa saxafi wax dhisa"

Image

23 November, 2015(GO)-Ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ, ayaa maanta ka halday xarigga loo gaysatay Wariye Jamac Yusuf Deparani oo ka tirsan TV-ga Somali Channel, kaasi oo todobaadkii hore lagu xiray magalada Garowe.

Xoghayaha ururkaasi, Maxamed Ibrahim Bakistaan oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii xorriyadiisa u heli lahaa Wariye Deparani, isla markaana soo saareen baaqyo ay aragtay dowladda Puntland.

Bakistaan ayaa sheegay in Deparani uusan ka mid ahayn wariyaasha wax dumiya balse uu yahay kuwa wax dhisa, wuxuuna meesha ka saaray inuu bahiyay waxyaabo khaldan.

Dowladda ayuu u soo jeediyay hadii lasii daayo dhaliilaha jira inaysan xirin cidda baahisay, balse saxdo wixii khaldan.

Maxamed Ibarahim, ayaa tilmaamay in xarigga Jamac loo marin sifo wanaagsan, dowladda Puntland-na laga doonayo inay ilaaliso sharciga dalka u yalla.

Wuxuu sharci ku tilmaamay hadii wariye la xirayo in loo baahanyahay ka hor intaan xabsiga la gayn in loo keeno waaran maxkamadeed isla markaana loo akhriyo wixii lagu soo xiray, hadii aysan taasi dhicin, wuxuu ku sifeeyay inay noqonayso ku takri fal awoodeed.

Puntland ayuu ugu baaqay inaan looga fadhin waqtigan xarigga wariyaasha, isagoo ka codsaday inay xorriyadiisa siiyo Jamac Yusuf Deparani oo maalinkii Shanaad Garowe ku xiran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM