PL oo beenisay eedaha Qaybdiid baaqna u dirtay beesha caalamka

Image
Image

Sept 26, 2014 (GO)- War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah faahiyey shir deg deg ah oo maanta oo Jimce ah Golaha Xukuummada Puntland iyo saraakiisha ciidamada qalabka sidaa magaalada Garoowe ku yeesheen.

Ugu horreyn waxaa war-saxaafadeedka lagu beeniyey inaysan jirin is hortaag lagu sameeyey Madaxweynaha Galmudug oo isagu maalmo kahor sheegay in loo diidey garoonka Gaalkacayo inuu kasoo dego, waxay sidoo kale Puntland beenisay inuusan jirin garoon dhismihiisa laga hor istaagay Galmudug.

Shirka waxaa lagu dhaleeceeyey hadaladii dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug, hadaladaas oo la sheegay inay yihiin kuwo colaad hor leh abuuri kara wixii ka yimaadana mas'uuliyadeeda isagu uu qaadi doono.

Bulshada gobolka Mudug ayaa loogu baaqay nabad iyo inay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo nabadda halis ku ah,  gaar ahaan colaadda uu ku baaqayo Cabdi Qaybdiid, waa sida war-saxaafadeedka lagu sheegaye.

Beesha caalamka ayaa lagu wargeliyey hanjabaadaha kasoo yeeray dhanka Galmudug ee ah inay xanibi doonaan shaqooyinka garoonka Gaalkacayo, arrintaas oo Puntland ay ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee la xiriira dhanka duulimaadyada.

Ugu dambeyntii waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay markasta wadahadal iyo inay dhawrto deris wanaaga, haseyeeshee marna aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo xuduudaheeda iyo goobaha halbowlaha u ah dhaqaalaha.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM