PL oo cambaareysey weerarkii Mandheera ee 36da qof lagu diley

Image

December 3, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaareysey weerarkii 36da qof lagu diley ee shalay oo Talaado ahayd ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid waxashnimo ah islamarkaana liddu ku ah bini aadamnimada.

Puntland ayaa sidoo kale tacsi u dirtey dowladda iyo dadweynaha Kenya, si gaar ah waxaa tacsi loogu diray ehelada 36-dii qof ee wararkaas lagu laayey.

Horay waxaa sidan si lamid ah weerarkaas u cambaareeyey ugana tacsiyeeyey Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka oo ka dhacay goob dhagaxa dhismaha loo adeegsado laga soo saaro oo qiyaastii 15km u jirta Mandheera waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM