PL oo wafdi u dirtay caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Image

December 2, 2014 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhoofay wafdigii Puntland uga qayb geli lahaa caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada waxaa hogaaminayey Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta Ismaaciil Maxamed Warsame.

Xubnaha kale ee wafdiga waxaa kamid ahaa: Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho Guran; Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka Sahro Siciid Nuur iyo Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta Guuleed Saalax Barre.

Wufuud kale oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka, Jubaland, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dalalka deriska ayaa la filayaa inay iyaguna munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galaan.

Shiriif Xasan Sheekh Aadan oo horay u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed 17-ka bishii hore ee November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM