​Puntland: Afhayeenka Barlamanka oo xubno magacaabay

Image
Image

GAROWE- Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta ku dhaawaqaay xubnaha ka dhimaanay guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo shan kamid ah madaxweyne Gaas shalay ku dhawaaqay. 

Xaashi, ayaa magacaabay afarta xubnood ee laga sugayay, wuxuuna isagoo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay Garowe, sheegay inay yihiin xubnihii ka imaanayay dhanka Barlamanka. 

Magacyada Afarta xubin ee Barlamanka ka yimi;

1. Dr. Siciid Maxamud Xirsi (Diraac)

2. Eng. Maxamed Axmed Siciid (Jacfar)

3. Axmed Xassan Bile

4. Cabdirasaaq Xuseen Gacayte.

Guddigan oo dhan 9 xubnood ayaa iska dhex dooran doona gudoomiye, waxayna kusoo beegmeen xilli aad bulshadu isu weydiinaysay xilliga la dhisi doono guddiga doorashooyinka oo ka mid ahaa Ballanqaadkii Madaxweyne Gaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM