​Puntland: Arrimaha Saxaafadda Somalia oo Garowe looga hadlay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan ay isugu yimaadeen wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland, ururka MAP, mulkiilayaasha warbaahinta qaarkooda iyo wariyaasha ka howl-gala magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa looga hadlay muranka ka taagan hogaanka NUSOJ iyo sagootin loo sameeynayay Faysal Khaliif Barre oo ka mid ah guddi sagaal xubnood ah oo loo saaray khilaafka hogaanka ururka saxafiyiinta Somaliyeed. Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa lagu muujiyay sida looga xunyahay khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan hogaanka sare ee ururka ku midaysanyihiin saxaafiyiinta Somaliyeed.

Agaasimaha Guud ee TV-ga dowladda Puntland Daahir Aflow, Mulkiilaha Mareegta Garowe Online iyo Radio Garowe, Maxamed Cabdiraxmaan Farole,  mulkiilaha warbaahinta SBC, Cali Cabdi Awaare, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay murankan iyagoo xubinta Puntland uga qayb galaysa xallinta khilaafkaasi kula dar-daarmay inuu Muqdishu kala soo laabto waxyaabo dani ugu jirto warbaahinta Somaliyeed gaar ahaan Puntland, waxayna dhinacyada is-khilaafsan usoo jeediyeen inay eegaan danta Wariyaasha ku shaqaynaya marxaladda adag. Wariyaasha ka qayb galay kulankan, ayaa dhankooda soo jeediyay dareen xambaarsan sida ay ugu xunyihiin arrinta ka dhextaagan hogaanka NUSOJ. 

Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa dhankiisa cadeeyay in muddo ka arrinsanayeen sida ay ka yeeli lahaayeen khilaafka taagan, wuxuuna sheegay in kaalin ka qaadan doonaan qaabkii is-qabqabsigaasi lagu soo afjari lahaa.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamud Xasan Soocadde oo shirka soo xiray, ayaa tilmaamay in wasaaradiisu aqbali doonto go'aanka uu Muqdishu kala soo laabto wakiilka u matalaha oo ah Faysal Khaliif Barre, gudoomiyaha MAP.

Arrintan, ayaa timi kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf ka dhex aloosan laba shakhsi ee isku haysta talada NUSOJ (Maxamed Ibrahim Bakista iyo Cumar Faruq Cusman),kaasi oo maxkamadda sare u xukuntay, waxaana howshaasi soo kala dhexgashay dowladda Somalia oo magacowday guddi ka shaqeeya xallinta khilaafka labadaasi mas'uul. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM