​Puntland: Camay oo furay shir maamul-wanaagga ku saabsan

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar "Camey", ayaa Maanta 09-Feb-2016 magaalada Garoowe ka furay shir looga hadlayey Maamul baahinta iyo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee (JPLG).  

Shirka, waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda degmooyinka gobollada Puntland ee  uu ka socdo barnaamijka JPLG kuwaas oo soo bandhigayey waxyaabihii ay ka faa’iideen muddooyinkii uu socday iyo  qorshahooda mustaqbalka dhow.  

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Puntland ka caawiya dhinaca horumarinta, isagoona geesta kale ku ammaanay degmooyinka nasiibka u helay JPLG sida uga faa’iideysteen.  

Cabdixakiim Cabdullahi Camay, ayaa sidoo kale ku booriyey guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland in aanay ku fekerin  mucaawinooyinka ay helaan oo keliya, balse layimaadaan qorshe bulshada ku horamarin karaan iyagoo ka duulaya qorsha Puntland Haysku Tashato. 

Wuxuu ugu baaqay hay'adaha inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Puntland, khaas ahaan qorshaha ku aaddan JPLG, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin degmo aan la gaarin karin, maadama sida uu xusay inta badan la adeegsado "Gaari-waa". 

Barnaamijka hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, ayaa ku eg sannadka 2016, waxaana inta badan meelaha uu ka socda ka faa'iidaan mashaariic lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan jidadka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM