Puntland: Dagaalkii ka socday Tukaraq oo is-taagay

Image

GAROOWE, Puntland- Hakad ayaa ku yimid dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Somaliland, kaasoo saaka ka bilowday degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in hakadka dagaalka uu yimid kadib roobab xoog leh oo iminka ka da'aya goobihii lagu dagaalamay.

Inkastoo aan wali la helin xogta rasmiga ah ee Khasaaraha dagaalka, hadana warar hordhaca ah oo uu GO helay ayaa tibaaxaya inay jiraan dhimasho, dhaawac, hub iyo gaadiid lakala qabsaday.

Dhinaca kale mas'uuliyiin ka kala tirsan labada maamul ayaa dagaalkii saaka guulo ka sheegtay. Sidoo kale waxay isku eedeeyeen mas'uuliyadda isku dhacii Tukaraq.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi oo hadlay wuxuu sheegay in dagaalkii saaka uu soo qaaday maamulka Somaliland, islamarkaana dib loo celiyay ciidamadooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo isna ka hadlayay magaalada Hargaysa, wuxuu tilmaamay in dagaalkii saaka ay soo qaaday Puntland islamarkaana laga guulaystay.

Balse warar ka madax bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in labada dhinacba dagaalkii saaka uu saamayn ku yeeshay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM