Puntland: Dagaalkii ka socday Tukaraq oo is-taagay

Image

GAROOWE, Puntland- Hakad ayaa ku yimid dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Somaliland, kaasoo saaka ka bilowday degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in hakadka dagaalka uu yimid kadib roobab xoog leh oo iminka ka da'aya goobihii lagu dagaalamay.

Inkastoo aan wali la helin xogta rasmiga ah ee Khasaaraha dagaalka, hadana warar hordhaca ah oo uu GO helay ayaa tibaaxaya inay jiraan dhimasho, dhaawac, hub iyo gaadiid lakala qabsaday.

Dhinaca kale mas'uuliyiin ka kala tirsan labada maamul ayaa dagaalkii saaka guulo ka sheegtay. Sidoo kale waxay isku eedeeyeen mas'uuliyadda isku dhacii Tukaraq.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi oo hadlay wuxuu sheegay in dagaalkii saaka uu soo qaaday maamulka Somaliland, islamarkaana dib loo celiyay ciidamadooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo isna ka hadlayay magaalada Hargaysa, wuxuu tilmaamay in dagaalkii saaka ay soo qaaday Puntland islamarkaana laga guulaystay.

Balse warar ka madax bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in labada dhinacba dagaalkii saaka uu saamayn ku yeeshay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM