​Puntland: Ergayga Midowga Yurub oo Garowe kulamo ku qaatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Ergayga Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d'Urso, ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna la kulmay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo siyaasiyiin kala duwan. 

Safarkan Cervone, uu ku yimi maanta magalada Garowe ayaa la xiriirta qorshayaal lagu hormarinayo waxbarashada gaar ahaan barnaamij ay waddo hay'adda Care Internationala, balse dhaqaalaha ay bixinayso Midowga Yurub. 

Kulanka uu la qaatay siyaasiyiinta gaar ahaan Madaxweynihii hore Farole, waxay kawada hadleen arrimo la xiriira siyaasadda Somalia iyo doorashada 2016.

Shirarkan, ayaa daba socda kulamadii dhawaaan ka dhacay magalada Garowe ee looga hadlayay nidaamka la sheegay in lagu salayn habka wax ku qaybsiga beelaha, waxaana Midwga Yurub taageero siisaa dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM