​Puntland: Gaas oo magacaabaya guddiga doorashooyinka

Image

GAROWE, Puntland-  Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta galinka dambe ku dhawaaqaya guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo ka kooban 9 xubnood, balse madaxweynuhu xaq u leeyahay magacaabista shan kamid ah, halka afarta kale ka imaanayo Barlamanka.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in xubnaha madaxweyne Gaas magacaabayo ku jiro, Agaasimihii hore Puntland TV, Axmed Maxamed Cali Kismayo, kaaso kamid ah wariyaasha rug cadaaga ah ee Puntland. 

Madaxweynaha Puntland, ayaa horay u sheegay inuu samaynayo guddiga doorashooyinka, waxayna kamid ah waxyaabihii loollanka ku galay xilligii uu murashaxa ahaa 2014 inuu dalka gaarsiin doono nidaamka axsaabta badan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa lafilayaa inuu barri 16 Febraayo, 2016, u dhoofo dalka Ethopia. 

Liiska xubnaha u magacaabi doono Cabdiwali Maxamed Cali, waxaan idiin kusoo gudbin doonnaa wararkeena dambe. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM