Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Image
Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

GAROWE, Puntland - Maamulka SSC-Khaatumo ayaa wuxuu magacaabay guddi hogaamin wadahadalo ay la galaan dowladda Puntland si ay isaga kaashadaan dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIHA

Magacaabis: GUDDIGA WADAHADALLADA ISKAASHIGA MAAMULKA SSC-KHAATUMO iyo DOWLADDA PUNTLAND

Xeer Hoggaamiye 26/2024
Laascaanood: 10.November.2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Isagoo tixraacaya: Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo qodobadiisa 1aad, 6aad, 14aad, 18aad

Isagoo tixgelinaya:-Wadatashiyada Golayaasha Maamulka, Isimida Dhaqanka iyo Haldoorka Bulshada SSC-Khaatumo

Hoggaamiyuhu waxa uu magacaabay Guddiga Wadahadallada Iskaashiga Maamulka SSC Khaatumo iyo Dowladda Puntland

Guddigaas oo ka kooban:-

1. Mud. Cabdiqani Xuseen Hiirad
(Guddoomiye)
2. Xil. Cali Warsame Cismaan (xubin)
3. Xil Maxamuud Salaad Warsame (xubin)
4. Xil. Cabdixamiid Daahir Maxamed (xubin)
5. Mud. Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel (xubin)
6. Dr. Cabdikariin Xasan Jaamac (xubin)
7. Eng. Cali X. Cige Cabdulle (xubin)
8. Mud. Cali X. Khaliif Faarax (xubin)
9. Mud. Maxamed Axmed Cige (Xubin)

Guddiga magacaaban waxay ka shaqaynayaan Qorshaha Iskaashiga Puntland iyo SSC-Khaatumo. Kor u qaadista xiriirka wadashaqayneed iyo dardargelinta wadajirka labada maamul. Guddigan ayaa sidoo kalana diyaarinaya sidii loo heli lahaa Iskaashi dhidibo adag ku taagan oo dhexmara maamulada walaalaha ah ee SSC-Khaatumo iyo Dowladda Puntland.


Magacaabidan ayaa kusoo aadaysa xilli ay xasarad siyaasadeed ka oogan tahay Soomaaliya isla markaana Jubaland ka baxdey heshiiskii siyaasadeed ee Villa Soomaaliya taasoo soo afjartay qorshihii doorasho qof iyo codka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM