Puntland: Labo qof oo dilay gabar yar oo dil lagu xukumay

Image

BOOSAASO, Puntland - Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta dil toogasho ku xakuntay labo nin, oo lagu eedeeyay dilka gabadhii yareyd ee meydkeeda laga helay duleedka magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Bishii October.

Xukunka Maxkamadda ayaa ka dambeeyay kadib markii labada nin ay Maalintii shalay Maxkamadda kahor qirteen dembiga ay ku eedeysnaayeen, iyadoo lagu helay caddeymo muujinaya falka foosha xun ee loo soo qabtay.

Labada nin oo dhalinyaro ah, ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Farey iyo C/raxmaan Maxamed Isxaaq, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen rag ku shaqeysta gaadiidka rakaabka ee ka howlgala gobolka Bari.

Bishii October 2020, Isbitaalka Boosaaso ayaa sheegay in gabadha la dilay, balse aan kufsi loo geysan, iyagoo go'aankan shaaciyay kadib baaritaan ay ku sameeyeen meydka gabadha ee halkaasi la dhigay.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go'antahay la dagaalanka falalka kufsiga, ee loo geystay haweenka Soomaaliyeed iyo gabdhaha yaryar ee aan wali qaan-gaareen, waxaana bilooyin kahor dil lagu filiyay shaqsiyaad ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caasha Ilyaas ee ka dhacay Gaalkacyo horaantii 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM