​Puntland: Lacag laga joojiyay wasaarada waxbarashada

Image

GAROWE- Midowga Yurub ayaa hakiyay lacag aan cadadkeeda la sheegin oo lagu taageeri jiray qaybta imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland muddo ku siman 12-sano. 

Madaxa Imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Axmed Maxamud Warsame "Saahid" ayaa cadeeyay inuu hakad ku yimi lacagtaasi, xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay magalada Garowe caasumadda Puntland. Saahid, ayaa sheegay in wasaaraddu ku guul-darraysatay qaabkii EU-da looga dhaadhicin lahaa inay soo celiso taageerada waqtiga dheer, isagoo taa badalkeeda xusay in kharashaadkii dhabarka u ridatay wasaaraddu. 

Arrintaasi, waxay keentay in la kordhiyo lacagihii laga qaadi jiray Ardayda ku jirta dugsiga sare fasalka 4-aad iyo dugsiga dhexe fasalka 8-daad, waxaana laga dhigay $20 halka markii hore bixin jireen $15. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM