​Puntland: guddiga doorashada oo la magacaabey

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu shaaciyay liiska guddiga KMG ah ee doorashooyinka, kuwaasoo ka kooban 5 xubnood iyo xoghaynta guddigaasi. 

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jamac "Quran Jecel", ayaa liiska saxaafadd u akhriyay kadib shir jaraa'id oo ku qabtay Garowe, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ka dhabaynayso ballanqaadkii Madaxweyne Gaas. 

Xubnaha lagu dhawaaqay ayaa kala ah;

1. Cabdullaahi Cali Nuur 

2. Maxamed Cabdulle Farax 

3. Naciimo Cabdiraxmaan Gulleed 

4. Axmed Maxamed Cali "Kismayo" 

5. Maxamud Soofe Xassan 

iyo Maxamed Siciid Cumar (Xoghaynta Guddiga). 

Magacaabista guddigan, ayaa timi xilli xukuumadda madaxweyne Gaas muddo laga dhawrayay inay soo magacowdo guddiga doorashooyinka Puntland, si loogu gudbo nidaamka axsaabta badan, taasoo hakad ku yimi xilligii madaxweyne Farole. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM