​Puntland: Madaxweyne ku-xigeenka oo la shiray Ganacsato

Image

BOSASO- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ahna  guddoomiyaha guddiga abaaraha ee oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 27-Feb-2016 xarunta Madaxtooyada Bosaso kula kulmay ganacsatada reer Puntland ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kala hadlay ganacsatada  sidii ay door mug leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha aafeyey dadkii iyo duunyadii ku dhaqnayd gobollada Puntland.

Ganacsatadii kasoo qayb gashay shirka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay inay samaysteen guddi isla markaana gudoomiye u doorteen sheekh Fu’aad  Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Puntland, guddigaas oo Akoonno ka furi doona bangiyada Dahabshiil, Amal iyo Salaam Bank, isla markaana ay u hawl-geli doonaan sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale kulan Garowe isugu yimaadeen qaar kamid guddiga abaaraha ee dhanka dowladda, waxay kaga hadleen taakulayntii ugu danbaysay ee ay sameeyeen isagoo tilmamay in dowladdu ku deeqday lacag dhan $156,000.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM