Puntland oo dalab ka dhan ah Goodax Barre u dirtay madaxda DF

Image

DHUUSAMAREEB, Puntland - Puntland ayaa si kulul kaga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka ah.

Cabdullaahi Maxamed Xasan, wasiirka tacliinta Puntland, ayaa erayada kasoo yeeray Goodax Barre wuxuu ku tilmaamay "mid ay ka muuqatay mas'uuliyad darro".

"Hadalka kasoo yeeray wasiirka waxaa ka muuqaneysay mas'uuliyad darro, wuxuuna Puntland ka dhigayaa dal gaar ah," ayuu wasiir Xasan u sheegay warbaahinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray "dowladda federaalka madaxdeeda waxaan fareynaa in ay wax ka qabtaan [dhawaqa kasoo yeeray Goodax Barre]".

Dhinaca kale, wasiir Xasan ayaa saxaafada la wadaagay nuqulo kamid ah heshiisyo "caddeynaya" in Puntland ay si gaar ah u maamulato Imtixaanaadka Shahaadiga ah.

Heshiisyadda oo ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo federaalka ayaa soo jeedinaya in xukuumadda dhexe uu doorkeedu yahay kormeer.

Sidda ku xusan heshiisyadda oo uu arkay Garowe Online, ardayda gashay imtixaanka shahaadiga Puntland "waa in shahaadooyinka loogu geeyaa degaanadooda".

Ugu dambeyntii, wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa cod dheer kusoo jeediyey in la xormeeyo heshiisyadda iyo qodobo kale oo ku jira Dastuurka oo xoojinaya arrintaan.

Nuqulada heshiisyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM