Puntland oo go'aan kasoo saartay cudurka ka dilaacay Shiinaha

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday mowqifkeeda ku saabsan vayruska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha.

Xanuunka Korona ayaa illaa iyo haatan dilay in ka badan 100 qof, waxaana uu ku dhacay ku dhowaad sideed kun oo ruux.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shirka golaha wasiiradda maanta oo Khamiis ah hor-geysay qaraar ku saabsan caabuqaas.

Shirka todobaadlaha ayaa waxaa gudoomiyey, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Sidda ku xusan bayaanka kasoo baxay golaha, wasaaradu waxay amartay in dadka ka imaanaya Shiinaha baaritaano dheeri ah la marsiiyo.

Shaqsiyaadka ayaa waxaa lagu baari doonaa garoomada diyaaradaha kala duwan ee Puntland, sidda ku cad war-saxaafadeedka.

Dhanka kale, wasiiradda ayaa guddi u saarey hindise-sharciyeedka Duulista oo si baalmarsan sharciga u waddo xukuumadda federaalka.

Qaar kamid ah dalalka Afrika si gaar ah Geeska qaaradda oo ay Soomaaliya ku taalo ayaa xaqiijiyey in ay karan-tiileen dad looga shakiyey caabuqaas.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM