Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Garaad Cabdullaahi Cali Ciid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenkii Isimada Puntland, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu ku geeriyooday waddanka Turkiga, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo illo ku dhow qoyskiisa.

Inkasta oo warar soo baxaya sheegayaan in uu xaalad caafimaad u tegay Turkiga, haddana ma cadda sababta dhabta ah ee uu u dhintay marxuumka.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland, madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

"Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga," ayuu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "AHUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenkii Isimada Puntland, wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo wax badan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya".

"Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kooban.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo dadka yaqaanna ay ku ammaaneyn shaqsiyad wanaag iyo dowladnimo jaceyl ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan la aaso isla markaana ka qeybgalaan duugtiisa mas'uuliyiin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM