Deni: Way naga go'an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada ee Puntland, waxaa looga hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula oo sidoo kale xafiiskaasi u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu danbeysay 2002-dii, haddana uu arko in Puntland ay sameysay isbedel weyn, dhinacyada dhismaha, hormurka, maamulka iyo bilicda, wuxuu sheegay in isbedelka Puntland sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Qaramada Midoobey ka hayso Puntland, wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira deegaanada iyo xaaladdaha bani’aadanimo ee la darsay.

Arrimaha Dimuqraadiyada Puntland ayaa kulanka looga hadlay, wuxuu Madaxweyne Deni la wadaagay Xafiiska Qaramada Midoobey in ay ka go’antahay Dowladda Puntland hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, dhowaana Dowladdu daah-furtay qorshaha shaqo ee Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah ee Puntland.

MUUQAALKA KULANKA

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM