Puntland oo ku dhawaaqday xaalad dag-dag ah [Dhagayso]

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta shaacisay Abaaro ka jira qaybo ka mid ah gobolada Puntland, ka dib xilli roobaadka Dayrta oo aan ka da'in inta badan Puntland.

Agaasimaha gurmadka iyo masiibooyinka dag-daga ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi ayaa xusay inay heleen xog sheegaysa xaaladda adag oo soo food saartay dadka ku nool goobaha abaartu saamaysay.

Gobolada laga soo sheegayo xalladda adag waxaa ka mid ah, Gardafuu, Kar-kaar iyo qaybo ka mid ah Bari, waxaana Agaasimuhu xusay in degmada Xaafuun ee gobolka Kar-kaar ay haatan ku jirta xaalad adag oo u baahan wax ka qabasho.

Macaluul ka dhacda Puntland ayaa wasaaraddu ka digtay iyadoo baaqyo gargaar ah u dirtay Ganacsatada iyo hay'adaha deeqaha bixiya.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob deero ayaa tilmaamay in dadkii daganaa gobollada Sanaag iyo Haylaan u guureen Roobab ka da'ay gobolka Cayn, wuxuuna ka digay inay sababi karto abaarta oo si fidda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan Abaaro xooggan oo ka jirta Puntland iyo qaybo ka mid ah Somalia, waxaana dowaladdu sheegaysaa inay ku dadaalayso sidi dadkaasi loo samata bixin lahaa iyagoo la kaashanaya deeq bixiyaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM