Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Image
Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland ayaa si rasmi ah u mamnuucday adeegyada 1xBET iyo isticmaalka SIM Card-ka gaarka ah ee aan diiwaangashanayn. Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca  sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

Dawladda Puntland ayaa waxay ku boorisay in si buuxda loogu hoggaansamo amarkan si loo ilaaliyo danta guud.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu xakameeyo welwelka sii kordhaya ee qabatinka khamaarka, taas oo horseeday kororka fal-dambiyeedka, isku dhacyada qoyska, iyo xasillooni-darrada maaliyadeed ee dhalinyarada.

Sidoo kale, Mamnuucida ayaa looga gol leeyahay in laga hortago ka faa’ideysiga Sim Card-ka aan diiwaangashaneyn, kuwaasi oo loo adeegsan jiray fududeynta wax kala iibsiga sharci darrada ah iyo wax u dhimaya amniga Qaranka.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Puntland ayaa si dhow ula shaqeyn doonta shirkadaha isgaarsiinta si loo diiwaan geliyo dhammaan SIM-card-ka iyo raadraaca, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay sii xoojin doonto dadaallada lagu baacsanayo goobaha qamaarka sharci darrada ah, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono dadka lagu helo inay xayaysiin u sameynayaan howlaha khamaarka.

Intaa waxaa dheer, dowladda Puntland waxay bilaabi doontaa olole wacyigelin dadweyne oo lagu wacyigelinayo muwaadiniinta, gaar ahaan dhalinyarada, khatarta khamaarka iyo muhiimada habdhaqanka mas'uuliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM