Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Image
Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland ayaa si rasmi ah u mamnuucday adeegyada 1xBET iyo isticmaalka SIM Card-ka gaarka ah ee aan diiwaangashanayn. Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca  sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

Dawladda Puntland ayaa waxay ku boorisay in si buuxda loogu hoggaansamo amarkan si loo ilaaliyo danta guud.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu xakameeyo welwelka sii kordhaya ee qabatinka khamaarka, taas oo horseeday kororka fal-dambiyeedka, isku dhacyada qoyska, iyo xasillooni-darrada maaliyadeed ee dhalinyarada.

Sidoo kale, Mamnuucida ayaa looga gol leeyahay in laga hortago ka faa’ideysiga Sim Card-ka aan diiwaangashaneyn, kuwaasi oo loo adeegsan jiray fududeynta wax kala iibsiga sharci darrada ah iyo wax u dhimaya amniga Qaranka.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Puntland ayaa si dhow ula shaqeyn doonta shirkadaha isgaarsiinta si loo diiwaan geliyo dhammaan SIM-card-ka iyo raadraaca, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay sii xoojin doonto dadaallada lagu baacsanayo goobaha qamaarka sharci darrada ah, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono dadka lagu helo inay xayaysiin u sameynayaan howlaha khamaarka.

Intaa waxaa dheer, dowladda Puntland waxay bilaabi doontaa olole wacyigelin dadweyne oo lagu wacyigelinayo muwaadiniinta, gaar ahaan dhalinyarada, khatarta khamaarka iyo muhiimada habdhaqanka mas'uuliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM