Puntland oo war kasoo saartay qaraxii ismiidaaminta ee Gaalkacyo

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay weerarkii habeenimadii Sabtida lagu ekeeyay huteelka ku yaala koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey todoba ruux ayaa ku naf-weysay qaraxaas is-miidaaminta, sidda laga soo xigtay booliska, oo qiray in dadka dhintay ay isugu jiraan askar iyo shacab.

Huteelka la beegsaday ayaa waxaa shir ku lahaa saraakiil uu kamid yahay Taliyaha Ciidamadda Lugta Soomaaliya, Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ka badbaaday falkaas.

Saraakiisha kale ee ka badbaaday falkaas argagixiso waxaa kamid ah Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Cabdicasiis Qooje, oo halkas ku sugnaa.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas, iyagoo sheegtay in ay ku dileen askar badan, wallow aysan tirro gaar ah cayimin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo cambaareeyay weerarka, ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay dhamaan bukaanadda.

"Innaa lilaahi wa innaa Ileyhi raajucuun! Waxaan tacsi u dirayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay [qaraxa] argagixiso [ee] ka dhacay magaalada Gaalkacyo, dhanka Galmudug," ayuu yiri.

Mr Dhabancad oo baraha bulshadda qoraal soo dhigay ayaa intaas raaciyey: "Illaahay ha caafiyo inta ku dhaawacantay. Samir iyo iimaanna Allaha inaga siiyo inta dhimatay.

Gaalkacyo ayaa ah magaalo u kala qeybsan laba maamul goboleed. Dhanka koonfur waxaa ka armiya dowlad goboleedka Galmudug, halka dhinaca waqooyi ay hoostagta dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM