​Puntland: Shaqaalaha dhisay garoonka diyaaraha Garowe oo deeq la siiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Deeqdan, waxa garoonka diyaaradaha magalada Garowe gaarsiiyay Islaan Ciise Islaam Maxamed oo kamid ah duub dhaqameedka Puntland, isagoo ugu tala galay shaqaalaha dhisaya madaarka inay quutaan dhawr bari.

Munaasabad kooban oo deeqda lagu bixiyay, waxaa lagu qabtay goobta shaqadu kasocoto, waxaana hadyad sharafeedkan oo Ari ahayd gudoomay xiriiriyaha dowladda iyo shirkadda madaarka dhisaysa.

Duqii hore Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, islamarkaana kamid ah waxgaradka magalada oo deeqdan wareejinteena goob joog ka ahaa, ayaa sheegay in Islaamku ugu tala galay xoolahan shaqaalaha garoonka dhisay inay nacfiyaystaan maadama hayaan howl baaxad leh.

Arrintan ayaa timi xilli uu bilow ku jiro shaqada garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magalada Garowe, kaasi oo qaadan doona dhismihiisu muddo ku siman 1 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM