​Puntland oo diidey waxkabadalka Dastuurka Federaalka

Image
Image
Image

GAROWE- Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada Puntland, ayaa  looga hadlay arrimo kala duwan oo ku jiraan abaaraha Puntland ka jira iyo waxkabadalka Dastuurka Federalka Somalia. 

Kulanka oo shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay, ayaa lagu sheegay dastuurka Federalka inuu yahay heshiis u dhaxeeya bulshada Somaliyeed, sidaas darteen qorshaha Barlamanka Somalia faragalinta ku sameynayo horseedi karo inay sii ballaarato kala aragti duwanaanta labada dhinac (Puntland iyo dowladda Somalia).

Dhinaca kale, wasiirrada Puntland ayaa sheegay inay dhawaan la gaarsiin doono degmooyinka abaaraha laga soo sheegayo, Biyo iyo Shidaal kuwaasi loogu talagalay in lagu samata bixiyo dadka dhibaataysan. 

Halka ka akhri qoraalka ka soo baxey kulankaan:  Warmurtiyeedka Golaha Wsaiirada Puntland.pdf

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM