Puntland: Xildhibaanada oo kalsoonidii kala laabtay Siciid Xasan Shire [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta Xildhibaanada Puntland ka doodeen mooshin xil ka qaadis loo gudbiyay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan, kaasi oo xilka looga qaadayay Gudoomiye Siciid Xasan Shire oo saaka ku dhawaaqay in jagadaasi iska casilay.

Xoghayaha Barlamanka ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay eedaymaha ku qoran mooshinka.

Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaam ku-xigeenka Gudoomiyaha, ayaa sheegay in mooshinkaasi la marsiin doono sharciga, waxaana laguda galay in loo codeeyo.

47 mudane, ayaa u codeeyay in xilka laga qaado Gudoomiyihii Barlamanka Puntland, halka 2 mudane ay diideen iyadoo ka aamuseen labo kale.

Arrinta ayaa timi ka dib markii saaka Gudoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadaasi ka dib markii xalay la gubsiyay moshin ku saxiixanyihiin in ka badan 40 mudane.

Hadal haynta ugu badan ee Garowe ayaa noqotay cidda badali doonta Shire, waxaana Garowe Online idiin soo gudbin doontaa shakhsiyaadka xilkan loo saadaalinayo inay isu sharaxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM