Qalabka dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe oo caasumadda la keenay

Image

16 December, 2015(GO)-Qalabka lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Garowe ayaa maanta hordhaciisu soo gaaray caasumadda kadib markii Asbuucan laga soo dajiyay xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Baabuurta waaweyn xamuulka ayaa qalabkan soo gaarsiiyay Garowe, sida wararku sheegayaan waxaa jidka ku soo jira kuwa kale. Dhismaha Airport-ka ayaa dhakhso u bilaabanaya, waxaana duulimaadyadii loo wareejiyay garoonka Canoco oo si KMG ah loo isticmaali doono.

Shacabka magalada ayaa si weyn u sugaya dayactir iyo dhisme lagu samee garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Garowe, waxuuna ku soo beegmay xilli uu gabo gabo marayo kan Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM