Qalabkii lagu dhisi lahaa garoonka Garowe oo gaarey Bosaso

Image
Image
Image
Image

Dec 12, 2015 (GO)- Waxaa magaalada Bosaso soo gaarey Markab sida qalabkii lagu dhisi lahaa garoonka diyaardaha magaalo madaxda Puntland Garowe.

Garoonka diyaardaha magaalo madaxda Garowe oo qandaraaskiisa ku guuleystey shirkad ka socota dalka Turkiga halka mashruuca ay bixisay dowlada Kuwait hay'adeeda la yiraahdo Kuwait Fund.

Magaalo madaxda  Puntland ayaa garoonkeeda diyaardaha la xirey kadib markii halkaas soo gaareen shaqaalhii dhisayey gagidaas iyadoo dulaamaadyadii loo wareejiyey Conoco.

Dhinaca kale waxaa gabogabo ku dhow garoonkii diyaardaha xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso kaasoo la filayo in sanadkaan dabayaqadiisa xariga laga jaro.

Mashaariicda garoomadaan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey xukuumadii madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Cabdiraxman Farole kadib markii booqashooyin uu ku tagey dalalka Talyaaniga iyo Kuwait.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale xil gaar ah iska saartey dhameystirka mashaariicdaan iyadoo dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso uu bilowdey sanadkii 2014 bilowgiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM