Qarax khasaare geystey oo ka dhacay deegaanka Galgala

Image

December 12, 2014 (GO)- Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa geeriyoodey afar kalena way dhaawacmeen kadib markii miino la kacday mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, wuxuu duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow deegaanka Galgala.

Saraakiisha hay'adaha ammaanku weli qaraxan iyo khasaaraha uu geystey wax war ah kama soo saarin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hada mas'uuliyadda weerarkaas sheegatey.

Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystey labo bilood kahor inay la wareegaan fariisimihii kooxda Al-shabaab ku lahayd deegaanka Galgala iyo buuraha ku xeeran.

Buuraleyda Golis waxaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo qaarkood khasaare nafeed oo badan geysteen oo dhex maray ciidamada ammaanka Puntland iyo Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM