Qarax khasaare geystey oo ka dhacay deegaanka Galgala

Image

December 12, 2014 (GO)- Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa geeriyoodey afar kalena way dhaawacmeen kadib markii miino la kacday mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, wuxuu duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow deegaanka Galgala.

Saraakiisha hay'adaha ammaanku weli qaraxan iyo khasaaraha uu geystey wax war ah kama soo saarin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hada mas'uuliyadda weerarkaas sheegatey.

Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystey labo bilood kahor inay la wareegaan fariisimihii kooxda Al-shabaab ku lahayd deegaanka Galgala iyo buuraha ku xeeran.

Buuraleyda Golis waxaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo qaarkood khasaare nafeed oo badan geysteen oo dhex maray ciidamada ammaanka Puntland iyo Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM