Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo garoowe soo gaaray

Image

October 10, 2014 (GO)- Wafdi ballaaran oo Ra'iisul Wasaara Dowlada Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed hogaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowlada Puntland, wasiiro, xildhibaano, madax dhaqameed iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdigaas si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Garowe.

Wafdiga waxaa intaas kadib loo sii galbiyey dhanka madaxtooyada halkaasoo kula kulmi doonaan mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda gaar ahaan Madaxweyne C/weli Gaas, ku xigeenkiisa C/xakiim Camey iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Ammaanka caasimada Puntland maanta si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana dhamaan wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda ku sugan ciidamada ammaanka oo baaraya dadka iyo gaadiidka si looga feejignaado khatar kasta oo dhanka ammaanka ka iman karta.

Muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu wadaa in Ra'iisul Wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisu Garowe ku sugnaadaan, iyagoo inta ay halkaas joogaan la kulmi doona madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. 

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM